Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}MD Xasan oo Ka Qayb Galay Aaska Qaran ee Guddoomiye Jawaari.

Sabti 29 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.

Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA