Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir Fiqi iyo dhigiisa Masar oon ka Wada Hadlay Arima Muhiim Ah

Sabti 29 June 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Sabti ah, kula kulmay Magaalada Qaahira, dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Sameh Shoukry.

Waxaa uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursadaha cusub ee iskaashiga si kor loogu qaado dano wadaagga labada dal ee walaalaha ah sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda Somalia.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saarray dhinacyo badan oo muhiim ah sida dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, dhaqanka, tababbarada, caafimaadka, duulimaadka iyo bankiyada.

Waxaa sidoo kale lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee arrimaha geeska afrika, gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA