Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA RW} Xamsa oo Daah Furay shirka Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha

Sabti 29 June 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah furay shirka Guddiga Heer Qaran ee Tallaalka, Ciribtirka Cudurka Dabaysha iyo Madasha Badbaadinta Carruurta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay tallaalka iyo ciribtirka cudurrada halista ah sida dabaysha si loo hubiyo in carruurta Soomaaliyeed ay helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah uga hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan arrintan iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo xoojinta dadaallada lagu ciribtirayo cudurka dabaysha iyo kor u qaadidda barnaamijka tallaalka, si loo badbaadiyo carruurta Soomaaliyeed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA