Tuesday, July 2, 2024
spot_imgspot_img

Africom oo sheegtay inay jiraan weeraro laga filan karo kooxda Alshabaab,

Sabti 29 June 2024 {HMC}  Taliska ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay noqon karaan kuwo door adag ka cayaara si looga fogaado in Shabaabku dib ugu soo laabtaan gacan ku heynta degaanadii laga saaray, marka ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan dalka dhamaadka sanadkan.

Gen Michael Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa sheegay inay jiraan weeraro laga filan karo kooxda Alshabaab, kuwaas oo doonaya inay ka faa’iideystaan dulduleelada ka dhasha bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS. Laakiin waxa uu ku dooday in filashadani ay meesha ka saari karto haddii shacabka kaalin ka qaataan dagaalka Alshabaab.

“Al-Shabaab waxa ay dooneysaa in ay ka faa’ideysato wax kasta oo ka dhasha faaruqnimada amniga iyaga oo weerraro ku dhibaateynaya ciidamada amniga. Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeedna taas way garowsadeen oo waxa ay diyaarinayaan difaacooda si ay awood ugu yeeshaan gacan ku haynta saldhigyada lagu wareejiyay,” Langley ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id maalmo ka dib socdaal uu ku tagay Soomaaliya.

Langley ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ka dhageystay warbixin ku saabsan, habka lagula dagaalamayo Al Shabaab loogana hortagayo soo laabashadooda marka ay baxaan ciidamada Atmis.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {02.07.2024}

Talaado 02 julay 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan

Talado july ,2 2024 (HMC)  Soomaaliya waxa ay inoo daba socotaa waxay doonayaan inay dalkeenna isku qurxiyaan HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA