Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Wax Badan ka ogow musharaxiinta ugu cad cad ee u taagan doorashada madaxtinimada Dalka Iran

Jimco June 28, 2024 {HMC} –  Dadka reer Iran ayaa jimcaha bari ah u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda islaamiga ah oo ay ku tartamayaan afar musharax ka dib geeridii madaxweyne Ibrahim Raisi.

Doorashada madaxtinimada ayaa loo qorsheeyay guga 2025-ka, balse geerida ku timid madaxweynaha Iran ibrahim Raisi iyo toddobo ka mid ahaa saaxiibadiisa oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyi galbeed ee dalka 19-kii May ee sanadkan.

Doorashadan waxay dhacaysaa iyadoo Iiran ay wajaheyso xiisaddo gudaha ah iyo kuwo siyaasadeed, laga soo bilaabo dagaalka Qasa ilaa faylka nukliyeerka.

Golaha Ilaalada, oo ah hay’ad aan la soo dooran oo ay u badan yihiin muxaafid, ayaa ansixiyay u-qalmitaanka lix murashax, oo ka mid ahaa siddeetankii soo gudbiyay murashaxnimadooda.

Waxaa ka tanaasulay inay tartanka galaan musharixiinta kala ah Amir Hossein Qazizadeh Hashemi iyo Ali Reza Zakani.

Pazashkian, oo 69 jir ah, ayaa ka mid ah saddexda musharax ee ugu cadcad ee la filayo in doorashada jimcaha inay bedeli doonaan madaxweyne Ebrahim Raisi oo geeriyooday.

Labada musharax ee kale ayaa kala ah afhayeenka baarlamaanka muxaafidka ah, Mohammad Baqir Qalibaf, iyo muxaafidka mayalka adag, Siciid Jalili.

Pazashkian waxa uu taageero ka helay madaxweynihii hore ee Iiran Mohammad Khatami.

Waa ayo musharaxiinta? Waase maxay isbeddelkooda?

Mustafa Pourmohammadi

Mostafa Pourmohammadi, waa wadaadka kaliya ee ka mid ah lixda musharax ee la ansixiyay ee doorashada 2024-ta ee dalka Iiran.

Ninkan waxaa lagu xiririyaa marka magaciisa la maqlo dil loo geystay maxaabiistii siyaasadda sannadihii 1980-aadkii.

Wuxuu qofka labaad u ahaa guddigi mas’uulka ka ah fulinta maxaabiista siyaasadeed ee 1988, oo loo yaqaan “Guddiga Dhimashada,” taas oo keentay in la dilo kumanaan maxaabiis siyaasadeed.

Waa musharaxa kaliya ee hadda wajahaya eedeymo culus oo ah “dambiyada ka dhanka ah aadanaha.”

Waxa uu laba jeer isu diiwaan galiyay in uu u sharaxan yahay Golaha Khubarada ee doorashooyinka 2015 iyo 2023. Labada jeerba, shahaadooyinkiisa waxa markii hore diiday Golaha Ilaalada, laakiin ka dib waa la ansixiyay, haddana kuma guulaysan doorashada.

Pourmohammadi, waxa uu sheegay in hadii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada ee 2024-ka uu soo dhisi doono “dawlad maamul”.

Pourmohammadi

Ninkan ayaa xilal badan ka soo qabtay dowladdihii Iiran. Wuxuu ku dhashay magaalada Qom bishii December sandkii 1959-kii.

Sanadihii 1979-1986kii, wuxu ahaa Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Kacaanka ee Khorasan, Khuzestan iyo Hormozgan. Wuxuu soo noqday xeer Ilaaliyaha militariga ee maxkamada Kacaanka ee galbeedka Iran.

Sanadihii 1987-1989-kii wuxuu Pourmohammadi soo noqday La-taliyihii wasiirka Sirdoonka iyo wakiilkii wasaaradda ee maxkamadaynta maxaabiista siyaasadeed.

Xilal kale oo xasaasi ah oo u badan wasiir xigeen iyo hay’addaha sirdoonka ayuu sidoo kale ka soo shaqeeyey.

Masoud Pezeshkian

Masoud Pezeshkian, waa 70 jir, waxa uu ku dhashay Mahabad sanadkii 1953-ki

Waa khabiir ku takhasusay qaliinka wadnaha.

Sanadkii 2008-dii wuxuu ka mid noqday golaha shuurada Iiran, waxaa kale uu so noqday wasiirka caafimaadka dalka, gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka

Sanadkihii 1994-2000-kii wuxuu soo noqday guddoomiyaha Jaamacadda Tabriz ee Sayniska Caafimaadka.

Pezishkian ayaa horay isu diiwaan galiyay doorashadii madaxtinimo ee 2013-kii balse markii dambe wuu ka baxay. Golaha Ilaalada ma uusan ansixin shahaadooyinkiisa doorashada madaxweynaha 2021-kii.

Maxamed Baqir Qalibaf

Mohammad Bagher Qalibaf, waxa uu ahaa taliyihii sare ee Ilaalada Kacaanka Iran ee dagaalkii Iran iyo Ciraaq.

Waxa uu ku biiray Ilaalada Kacaanka Iran kadib markii uu dagaalku bilaabmay 1980kii. Wuxuu soo qabtay heerar kala sareeyey oo hogaaminta ciidamada ilaalada kacaanka Iiran ah.

Laga soo bilaabo sanadkii 2020kii ilaa hadda waa guddoomiyaha Golaha Shuurada Islaamka Iran.

Saddex jeer oo hore oo isku soo sharaxay jagadan waana ku guuldaraystay, hadda waa markiisii afaraad ee xilka madaxweynaha Iiran u ordayo.

Ka dib guuldaradii ugu horeysay ee madaxweynanimo 2005, Qalibaf wuxuu noqday duqa magaalada Tehran, wuxuuna xilka hayay 12 sano, waana waqtigii ugu dheeraa ee duq magaalo Tehran.

Siciid Jaliili

Siciid Jaliili, ayaa isu diiwaan galiyay inuu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimada ee soo socota ee Iran, halka taageerayaashiisa ay ku dhawaaqayeen hal-ku-dheg ah “Ma jirto tanaasul, isma dhiibin”. Hal-ku-dheggani waxa uu soo koobayaa aragtiyihiisa siyaasadeed ee qalafsana, kuwaas oo ahaa kuwii ugu caansanaa intii uu ahaa madaxa wada-xaajoodka Nukliyeerka ee Iran.

Bishii Sebtembar 2007, ayaa loo magacaabay Xoghayaha cusub ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka, taasoo ka dhigaysa qofkii saddexaad ee jagadan qabta sida Xasan Rooxaani iyo Ali Larijani.

Bishii Sebtembar 2013, Hoggaamiyaha Sare wuxuu u magacaabay Jaliil xubin ka tirsan Golaha Wax-soo-saarka.

Doorashadii 2021-kii ayuu ka mid ahaa raggii u tartamay xilka madaxweynha Iiran.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA