Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geerida AUN Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka

Jimco 28 June 2024 {HMC} Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey geerida AUN Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa yiri:-

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun Waxaan murugada geerida la qaybsanayaa, tacsi tiiraanyo lehna u dirayaa qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Marxuumku waxa uu inta badan noloshiisa usoo adeegayey shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, isaga oo door muhiim ah ka soo qaatay dowlad dhiska dalkeenna. Waxa uu ahaa xeeldheere sharci oo xilal kala duwan ka soo qabtay laamaha dowladda tan iyo dowladdii dhexe ee dalkeenna, isaga oo guddoon ka noqday Baarlamaannadii 9-aad iyo 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan Allaah u weydiinayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA