Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Erdogan Uga Digay Isra’iil in ay weerarto Lubnaan

Jimco June 28, 2024 {HMC} – Madaxweyne Erdogan oo hadal u jeediyay Xildhibaannada xisbigiisa AK Party, wuxuu u xaqiijiyay inuu Turkiga taageerri doono Lubnaan haddii ay weerar kala kulmaan Israa’iil

Waxaa uu sheegay inay tahay wax laga naxo, taageerrada indho la’aanta ah ee reer galbeedku siinayaan Israa’iil, taasoo uu ku sheegay inay fududeynayso inuu dagaalka ku baaho bariga dhexe.

“Waxay u muuqataa in Israa’iil ay hadda indhaha u jeedisay Lubnaan ka dib markii ay burburisay oo gubtay Qasa. Waxaan aragnaa dalalka reer galbeedka oo taageero siinaya Israa’iil, Qorshayaasha Netanyahu ee ah inuu dagaalka ku fidiyo gobolka waxay horseedi doontaa masiibo weyn, Turkigu wuxuu garab taagan yahay shacabka walaalaha ah iyo dawladda Lubnaan. Waxaan ugu baaqayaa dalalka kale ee gobolka inay garab istaagaan Lubnaan,” ayuu yiri Erdogan.

Xiisadda xudduudaha ee u dhexeya Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sare martay toddobaadyadii la soo dhaafay, taasoo kicisay cabsida laga qabo dagaal toos ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah.

Horraantii toddobaadkan, Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa sheegay dawladda Turkiga inay aragtay khatarta ah in colaaddu ay faafto, isagoo ka hadlaya xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA