Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey geerida AUN Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Jimco 28 June 2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ku geeriyooday maanta magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee Marxuumku uu ka soo qaatay horumarinta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska qarankeena.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehel iyo qaranka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo muddo dheer u soo shaqeynayey qarankeenna, dhaxal wanaagsanna uga tagay, isagoo door muuqda ka soo qaatay dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marxuumka Alle uga baryayaa in uu janadii Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ina ka siiyo dhammaanteen.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA