Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Goobihii Shalay lagu Dagalamay ee Gobolka Mudug oo Wali La Isku Hor-Fadhiyo

Jimco 28 June 2024 {HMC} Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Mudug gaar ahaan deegaannada u dhexeeya Goldogob iyo Saax-qurun oo ah aagagii shalay ay ku dagaallameen beelo halkaas wada dega waxaa weli is hor-fadhiya labada meleeshiyo beeleed, iyadoo mararka qaarna la maqlayo rasaas la isweydaarsanayo

Waxaa socda dadaallo ay wadaan Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aaddan sidii xabadda loo joojin lahaa, loona kala qaadi lahaa maleeshiyooyinka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhacay kulamo labada maamul ay uga hadlayeen sidii loo soo afjari lahaa colaaddaan oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Inkastoo weli aan si dhab ah loo ogeyn khaasaraha inta uu gaarsiisan yahay, haddana waxaa wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in dhimashadu ay ka badan tahay 30 halka dhaawucuna uu kor u dhaafayo 50 kale.

Waxaa isa soo taraya baaqyada ka imanaya qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta ee lagu dalbanayo in la joojiyo dagaalkaas oo salka ku haya dilal aano qabiil.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA