Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Mareykanka oo xoojinaya joogitaankiisa Milateri ee Somalia

Jimco June 28, 2024 {HMC} – Mareykanka waxaa laga yaabaa inuu sare u qaado joogitaankiisa militari ee gudaha Soomaaliya, sababo la xiriira horumarada ay sameynayaan kooxda Daacish, sida laga soo xigtay taliyaha howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jen. Michael Langley

Taliyaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan looga hadlay ammaanka oo ka dhacay dalka Botswana.

“Waxaan sii wadaynaa xoojinta joogitaankeena Somalia, annaga oo qiimeynaya waxa Daacishta Soomaaliya ay ilaa hadda sameyneyso.” ayuu yiri Taliyaha

Hadalkan ayuu sheegay lix maalin kaddib markii sarkaalkan uu aagga la ilaaliyo ee Xalane oo ku yaalla Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xassan iyo Wasiirkiisa Gaashaandhigga.

Mareykanka oo ay Soomaaliya ka joogaan ku dhowaad 500 oo askari ayaa dhowaan sheegay inay aaminsan yihiin madaxa Daacish ee Soomaaliya inuu noqday hoggaamiyaha guud ee kooxda, taasoo ka dhigaysa goobta ugu muhiimsan ee kooxdan inay noqon karto Soomaaliya, laakiin ma jiraan dagaalyahanno badan oo kooxdan ka jooga gudaha Soomaaliya, waxayna ku sugan yihiin dhul yar oo buuralay ah oo ku dhow magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA