Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Qodobo Xasaasi ah oo Maanta Shirka Golaha Wasiirada Lagu Ansaxiyay

Khamiis 27 June 2024 {HMC} –  Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Shirka oo ay inta badan goobjoog ahaayeen xubnaha golaha ayaa waxaa lagu ansixiyay qaraar xasaasi ah oo ku saabsan khataraha amniga qaranka oo warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay xafiiska amniga qaranka.

Golaha ayaa ansixiyay qaraarka oo ka kooban 8 qodob oo qeexaya khataraha amniga qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayada oo oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliya ee ku saleysan amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Waxa ay kala yihiin qodobada la meel-mariyay;-

1. Argagixisada;
2. Aragtida Gooni-goosadka;
3. Dowlad-nugeylka;
4. Xuduudaha Beylahda;
5. Faragelinta Shisheeye;
6. Isbeddelka Cimilada;
7. Khatarta Tiknoolajiyadda;
8. Khataraha Bulshada;

Sidoo kale shirka ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxaa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Labada wasaaradood ayaa shirka kusoo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyay ee ay fuliyeen ciidamada Xoogga dalka oo ay sheegeen in jab xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA