Sunday, June 30, 2024
spot_imgspot_img

Maamulada Puntland iyo Galmudug oo War kasoo Saaray Dagaal Kasocda Gobolka Mudug

Khamiis June 27, 2024 {HMC} – Dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay labo beel oo kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa saakay mar kale ka qarxay deegaanno hoostaga gobolka Mudug oo ay ood wadaag ka yihiin labada beel.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa loogu baaqay labada beel ee ku dagaallamaya galbeed gobolka Mudug in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka.

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in wafdi ka kooban golayaasha maamulkaasi u direen deegaannada dagaalka uu ka socdo, waxa ayna rejo ka muujiyeen in ay guuleestaan dedaalada nabadeed ee socda.

Dhinaca kale madaxtooyada Galmudug ayaa iyana war kasoo baxay loogu baaqay labada beel ee dagaalka u dhaxeeyo in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka kana shaqeeyaan sidii xaalada loo dejin lahaa loona wada hadli lahaa.

Galmudug ayaa sidoo kale sheegtay in dhankeeda deegaannada dagaalka ka socdo u direen masuuliyiin katirsan golayaasha maamulka , waxa ayna codsadeen in loo hoggaansamo guddiyada labada maamul u xil saareen daminta colaada.

”Waxaan ka codsaneynaa in loo hoggaansamo guddiyada ay Galmudug iyo Puntland u xilsaareen xabbad joojinta iyo nabadeynta, sidoo kalana lagu tixgaliyo shaqadooda ciidammada ay isla garteen masuuliyiinta labada State in la geeyo goobaha dagaalku ka dhacday” ayaa lagu yiri warka Galmudug kasoo baxay

Dagaal dhiig badan ku daatay ayaa saakay mar kale dib uga qarxay deegaannada dhaca galbeedka gobolka Mudug, dagaalka ayaana u dhaxeeya beelaha Leelkase iyo Sacad oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA