Sunday, June 30, 2024
spot_imgspot_img

Lamaanihii ku riyoon jiray in ay Xajka aadaan ee markii ay tageen geeridu haleeshay

Khamiis 27 June 2024 {HMC} Waxaa jira lamaane muslin ah oo ka yimid dalka Maraykanka oo sanadkaanq qayb ka noqday dadkii ku dhintyau Xajka. Si gabadhoodu ay sheegtayna lamaanahaa ayaa waxaa ku dhacay qalal uu sababy kulaylka daran ee ka jiray Sacuudiga sanadkaan, kadib markii muddo ka badan laba saacadood hoos lugaynayeen qorraxda.

Lamanahaan ayaa kala ahaa Alhaji Alieu Dausy Wurie, oo da’diisu ahayd 71 sano iyo Haja Isatu Wurie, oo da’deedu ahayd 65 sano.

Waxayna ka soo jeedeen halka loo yaqaano Maryland oo ku taalla dalka Maraykanka.

Waxay ka mid noqdeen dad lagu qiyaasay 1,300 oo ruux oo sanadkaan ku dhintay Xajka.

Heerkulka Sacuudiga aya sanadkaan marar badan gaaray wax ka badan 50 digree.

Gabar ay dhalaan lamaanahan dhintay oo lagu magacaabo Saida Wurie  ayaa sheegtay in kooxdii waalidkeed u waday xajka aysan bixin adeegyadii ay balan qaadeen, sida in ay waalidkeed siin doonaan cunto iyo biyo ku filan.

Lamaanahaan oo asal ahaan ku dhashay dalka The Sierra Leone ayaa la waayay maalin Axad ah oo ku beegneed 16 kii June, markaas ayaa ahayd laba todobaad uun markii ay Sacuudiga gaareen.

Maalmo kadib, gabadha ayaa loo sheegay geerida ku timid waalidkeed.

Gabadha oo aad uga careysan dhibka soo gaaray waalidkeed ayaa sheegtay in Xajku uu aad muhiim ugu ahaa labadeeda waalid, uuna mid walba bixiyay lacag gaareysa $11,500 oo doolar Maraykanka ah.

“Waaligood wa aay jeclaayeen in ay mar uun aadaan Xajka,” ayay tiri gabadhu iyada oo hadalkeeda sii raacisay, “Xiiso xad dhaaf ah ayay u qabeen Xajka.”

Lamaanah ayaa waxay ka wada safrene Maraykanka ku dhawaad 100 qof oo kale oo iyana xajka u socday, waxaana waday shirkad dadka Xajka geysa oo ka waday gobolkoodu Maryland.

Sida ay sheegtay gabadhoodu, “Wax badan oo kamid wixii shirkaddu balan qaaday ayasan keenin”.

“Dhawr maalin oo kaliya ayay heleen cunto ay cunaan, inkasta oo wixii loo balan qaaday ay ahayd in ay cunto u helaan si maalinle ah.”

Iyaga oo aan haysan adeeg ku filan oo uu jirana kulayl aad u daran, ayay lamaanuhu u sheegeen gabadhooda Wurie “In ay maalinkii mar wax helayaan” ayna isku dayayaan in ay biyo ku filan cabaan.

Fariintii ugu dambeysay ee ay is waydaarsadeen – kadib wicitaano dhawr ah – gabadhu waxay sheegtay in waalidkeed u sheegeen in ay muddo ka badan laba saacadood ay lugaynayeen.

Wax yar kadib xilligaas,, ayaa qof ka socda shirkadda u xaqiijiyay geerida waalidkeed.

Iyada oo caawimaad ka helaysa qolada qaabilsan Xajka, ayaa gabadha waxa u suuragashay in ay aqoonsao qabuuraha lagu duugay waalidkeed inkasta oo aysan wali ogaan buqcad rasmiga ah ee lagu duugay waalidkeed,

“Su’aalo badan ayaa naga dhex guuxaya waxaanan u baahanahay jawaabo,” ayay tiri Wurie, iyada oo sheegat in ay rajo ka qabto in ay gaarto dalka Sacuudigu, si ay u soo ogaato halka lagu aasay waalidkeed.

Waxa kale oo ay sheegtay in shirkadda Xajku u balan qaaday in ay u keeni doonto dal ku gal sax ah safarkana diiwaan galin doonto, balse taasna ay ku guul dareysteen.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, intii u badneed Xujeyda Makka ee sanadkaan, ma aysan haysan ruqsado rasmi ah.

Diinta Islaamka ayaa qabta in qofka muslim ka haduu awoodo jir ahaan iyo dhaqaale ahaanba in uu xajka tago in looga baahan yahay gudashada camalka Xajka.

Sida ay sheegtay dawladda Sacuudiga sanadkaan dad gaaray hal miyan iyo sideed boqol oo ruux ayaa tagay xajka.

Wasiirka caafimaadka ee Sacuudiga Fahad Al-Jaljel ayaa sheegay in ay bilaabeen dadaalo dadka lagu wacyigalinayo oo ku saabsan kulaylka.

Sacuudiga ayaa sidoo kale helaya dhaliilo badan oo ku aadan in ay xajka ka dhigin meel amni u ah Xujeyda, gaar ahaan kuwa aan diiwaan gashnayn.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA