Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya oo ka hadashay Ciidamadeeda Soo galay Soomaaliya iyo halka uu marayo heshiiskii ay la gareen Somaliland

SKhamiis 27 June 2024 {HMC} Dawaldda Itoobiya ayaa ka jawaabtay eedayn ay dhawaan Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay oo ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan ah ay ‘si sharci darro ah ugu tallaabeen dhinaca Soomaaliya.’

Waxay sidoo kale ka hadashay qorshaha ay ciidamadooda u joogaan Soomaaliya, iyo cidda iska go’aanka iyo xilliga ay ka baxayaan iyaga oo sheegay inay muddo sii joogi doonaan.

Nebyu Tedla, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo waraysi siiyay laanta Amxaariga ee BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha Soomaaliya ee ka dhanka in ciidan Itoobiyaan ah ay si sharci darro ah u galeen gudaha Soomaaliya.

“Arrintaas waa waxba kama jiraan. Sida aad ka warqabto Soomaaliya waxa noo jooga ciidammo ka tirsan ATMIS iyo kuwo aan ka tirsanayn ba. Arrintanna waxba kaga ma duwana. Waanu la hadalnay saraakiisha sarsare ee ciidankeenna ee aaggaasi ku sugan. Xogta ay nala wadeegeen waa mid aan ka duwanayn sidii hore. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq caadi ah oo laga ga hor tagayay halis amniga ka dhan ah oo laga yaabo in ay dhacdo sidii horaba u dhacday.”

Doodda la xidhiidha bixitaanka ciidammada ayaa in muddo ah soo jiitamaysay laga soo bilaabo heshiis is af-garad ahaa oo ay bilowgii sannadkan wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo ka hadlayay kulan xaaladaha Soomaaliya looga hadlayay oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo kuwo ka socday Midowga Afrika waxa uu Itoobiya ku eedeeyay in askarteedu ay “si sharciga baalmarsan u galeen gudaha Soomaaliya”.

Itoobiya waxa ay muddo dheer ka mid tahay waddamada ciidammada nabad-ilaalineed ee hawlgalka ATMIS ee jooga gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo tiro ahaan gaadhaya 3000 oo kun oo askari balse waxaa jira ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 5000 ilaa 7000 oo aan ka tirsanayn hawlgalka kuwaasi oo ku sugan qaybo dalka ka mid ah.

“Sida aad ka warqabto dawaldda Soomaaliya ka sakow Villa Soomaaliya ma aha mid maamusha dalka oo dhan. Ciidankeennu waa mid mar walba isbed-beddel lagu sameeyo, gaar ahaan kuwa aan ka tirsamayn hawlgalka ATMIS. Waa middaas uun, laakiin ma jiro hawlgalka soohdinta ka tallaabsan oo aan fulinnay,” ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Goorma ayay baxayaan ciidammada Itoobiya ee jooga Soomaaliya?

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda doonaysa in labada nooc ee ciidammada ah Itoobiyaanka ah ay isaga baxaan Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Dhawaan ayay ahayd markii la Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

Afhayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay in uu jiro codsi uga yimid dawladda Soomaaliya oo ay Itoobiya kaga dalbanayso in ay ciidammadeeda ka saarto Soomaaliya.

“Sidaan kuu sheegay codsigu ma aha mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddii se uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda na la saaray, Beesha Caalamku haddii ay danaynayso joojitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno. Laakiin inta ka horraysa ma doonayno in aan arrimhaasi galno. Annaga waa noo fududahay. Marka aniga iyo adigu aan u wada hadalayno sidii laba qof oo Itoobiyaan ah, ciidankeenna in aan soo celinno oo aan dejinno aag dagaalka ka caaggan/ buffer zone waa noo fududahay. Sidaas darteed, ciidanka cusub ee Soomaaliya loo diri doono weli waa xilli hore oo ay adag tahay in la saadaaliyo.”

Itoobiya waxa ay sheegtay in bixitaanka ciidamadeedu aanu qusayn keliya Soomaaliya balse ay tahay arrin u taalla Beesha Caalamka. Isaga oo ka hadlaya arrimahan Nebiyu Tedla waxa uu yidhi:

“Hawlgalka nabad-ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya. Ma aha mid keliya khuseeya dawladda Soomaaliya. Waa masuuliyad caalami ah. Waa hawlgal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada hadalaynaa waxna waa la iska weyddiinaynaa. Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dawaldda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.”

Ururka Alshabaab ayaa la xasuusan yahay in sannadkii la soo dhaafay uu hawlgallo ka fuliyay gudaha Itoobiya. Afhayeenka ayaa sheegay in Itoobiya ay qasab ku tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo amnigeeda ay ku ilaashan karto oo ka dhan ah Soomaaliya.

“Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.”

Halkee marayaa isafagaradkii Somaliland iyo Itoobiya?

Sida la aamminsan yahay khilaafka ka dhex taagan dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa xuddun u ah isfahan ay Itoobiya la gaadhay Somaliland bilowgii sanadkan. Is af-garadka oo Itoobiya u oggolaanaya in ay xeebaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ka hesho dekad iyo saldhig ciidan ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo dhaqangelin.

Waxa Wax Laga weyddiiayay afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla halka uu marayo isafgaradka iyo goorta loo beddeli doono heshiis rasmi ah.

“Arrintaasi waxba hadda kaaga ma sheegi karo. Laakiin, dabcan maalmaha soo socda wax waan ka dhihi doonnaa, marka wakhtigiisa la gaadho waan shaacin doonnaa,” ayuu yidhi Nebiyu Tedla.

Dawladda Soomaaliya ayaa xilli sii horraysay amartay in la xidho qunsuliydaha Itoobiya ee ku yaalla Hargaysa iyo Garoowe balse afahayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa sheegay in ay qunsuliyadaha ku yaalla magaalooyinkaasi ay weli shaqaynayaan.

“Isafagaradku halka uu marayo waan ogaan doonaa. Laakiin hadda waxa aan kuu sheegi karaa in danjirahayagii Soomaaliya aanu hadda joogin Muqdisho oo shaqo kale loo egmaday. Safaaraddu way furan tahay. Lama xidhin. Diblumaasiyiinteennu way shaqaynayaan. Safiirkeenna wada tashi ayuu u yimid Addis Ababa. Wakhti xaadirkanna dhinacaas safiir uma diraynno,” ayaa uu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Xilli sii horraysay oo Arbacadii ah xafiiska raysal wsaaraha Itoobiya ayaa beeniyay warqad wadata sumadda xafiiskiisa oo lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaysa in Itoobiya ka noqotay is af-garadkii ay la gaadhay Somaliland. Qoraalkan ayaa lagu yidhi ‘Xafiiska Rayasl wasaaruhu waxa bulshada uga digayaa xogaha hadda la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan is af-garadkii Somaliland.’

Xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex oogan Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kor u sii kacaysay muddooyinkii u dambeeyay. Muranka la xidhiidh is af-garadka ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya oo bar-bilow u ah khilaafka labada dal iyo qorshaha bixitaanka ciidamadda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaan weli xal rasmi ah loo helin.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA