Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumoo oo Ku Baaqay in aan Awood Lagu Maquunin Maamulka Soomaliland

Khamiis 27 June 2024 {HMC} – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan midnimada Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday maqnaashaha Somaliland oo haatan u ololeyneyso inay ka go’do dalka intiisa kale.

Firdhiye ayaa diiday in dowladda federaalka ay isku deydo inay awood ku ogoleysiiso Somaliland arrinta midnimada, ayada oo weerar ku eekeyneyso maamulka Hargeysa.

Hoggaamiyaha SSC ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay adeegsiga awooddda dowladda, ayada oo Somaliland loo isticmaalo qasab iyo qoray caaraddiisa.

“Haddii dowladda Soomaaliyeed ee aynu maanta hoos joognaa ay weerar ku ekeyso gobollada waqooyi, ayada oo damacsan inay ku qasabto inay midnimadii kusoo laabtaan waxaa waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed inuu ka dhiidhiyo, isla mar ahaantaana ka hortego” ayuu yiri Firdhiye.

Waxaa kale oo uu yiri “Sidaasi si lamid ah qof kasta oo muwaadin ah waxaa la gudboon in doonista qaybo kamid ah Soomaaliya aan la’isku dayin in lagu maquuniyo qasab iyo qoray caaradiis”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan midnimo iyo dowlad dhan lagu heleyn awoodd ku maquunis ee loo baahan yahay in qaabab kale xalka lagu raadiyo

“Soomaali shalay, maanta iyo berriba dowladnimada loo dhanyahay iyo midnimo lagu waayayaa kala teg iyo madax taag lagu heli maayo” ayuu mar kale yiri hoggaamiyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in SSC-Khaatumo ay aaminsan tahay in aan cidna marti looga ahayn midnimada dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

“Annagu haddaanu nahay shacabka SSC-Khaatumo aanu nahay reer waqooyi waxaan aaminsanahay midnimo aan cid marti looga ahayn iyo dowladnimo macno leh oo wada gaarta dhammaan gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” ayuu kusoo gabagabeeyay.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA