Monday, July 1, 2024
spot_imgspot_img

Go’aanka madaxweynaha kenya uu ka qaatay sharcigii canshuur kordhinta oo la soo dhaweeyay

Khamiis 27 June 2024 {HMC} Washington ayaa soo dhaweysay go’aanka madaxweynaha Kenya uu meesha kaga saaray canshuur kordhintii keentay dibadbaxyo khasaare xooggan gaystay oo ka dhacay guud ahaan dalka Kenya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa taleefoon kula hadlay madaxweyne William Ruto, isagoo uga mahad celiyay go’aanka uu qaatay iyo ballanqaadkiisii ​​ahaa inuu wadahadal la yeelan doono dibadbaxayaasha.

Mar sii horreysay, madaxweyne Ruto ayaa sheegay in dadku ay caddeeyeen in aysan dooneyn in la samaeeyo canshuur kordhin.

Waxa uu hadlayay maalin kadib markii ugu yaraan saddex iyo labaatan qof oo Kenyan ah lagu dilay mudaaharaadyo ay horkacayeen dad dhalinyaro u badan, kuwaas u daatay xaruunt baarlamaanka. Dibad-baxayaasha ayaa sheegay inay weli qorsheynayaan inay dhigaan dibadbaxyo kale maanta oo Khamiis ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray.

Axad june,30 2024 (HMC)   Dib U heshisiinta beelihii ku dagaalamay Waqooyiga Galgaduud oo Go,aamo soo saaray. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024

Axad june,30 2024 (HMC) Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaiya iyo caalamka ee Hiiaanweyne 30 06 2024 HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA