Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka dowladda oo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab hubna ku furtay

Arbaco june,26 2024 (HMC) Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka, ayaa howlgal ay ka sameeyeen duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dilay xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Howlgalka ciidanka fuliyeen ayaa si gaar ah uga dhacay Cali-cadhoole oo 33 KM waqooyi ka xiga degmada Ceeldheer , waxaana howlgalka lagu dilay 7-xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo ku sugnaa deegaankaasi.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa sidoo kale howlgalka kusoo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnihii katirsanaa kooxda Al Shabaab ee lagu dilay howlgalka intii uu socday.

Taliyaha Guutada 24-aad Khaalid Binu Waliid ee ciidanka xoogga dalka, G/Dhexe Maxamed Dhegaweyne ayaa sheegay in iyaga iyo ciidanka deegaanka heleen xogta xubno katirsanaa Al Shabaab oo soo gaaray deegaanka Cali-cadhoode , sidaasna howlgalka ku fuliyeen.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa marar badan fuliyay howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab , waxa ayna ciidamada marar badan sidoo kale gacanta ku dhigeen xubno katirsanaa Al Shabaab iyo saanad ciidan.

 

WARARKA