Friday, October 18, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Khasaare isugu jira Dhimasho iyo bur-bur hantiyeed oo ka dhashay roobab ka da’ay Muqdisho.

Axad june,23 2024 (HMC) –  Roobab ilaa xaley ka da’ay magaaladda Muqdisho ayaa gaystey khasaare kala kala duwan oo isugu jira,dhimasho iyo dhaawac sidoo kalena kala xirey badiba qaybaha magaaladda,waxaana yaraadey isu socodka bulshada.

Jidadka Muqdisho oo ay ku baxeen dhaqaale aad u tirro badanayaa marka,Daruur roob ah da’do waxaa xirma wadooyinka magaalada,waxana sababta ugu weyn lagu tilmaamey maamulka gobolka oo ka gaabiyey shaqadoodii.

Goobaha biyo mareenadda oo xirmey ayaa keentey in wadooyinka la caago oo la mari waayo,Qaar kamida goobjoogeyaal saaka ku rafaadey,jidadka oo nala hadley ayaa sheegay in mar kasta oo uu roob da’o sidan ugu dhiban yihiin magaaladda.

Magaaladda Muqdisho ayaa kamida kuwa ugu jidadka,wanaagsan magaalooyinka Soomaaliyeed,hayeeshee waxaa la dayacay jidadka iyo goobihii ay mari lahayeen biyaha oo xidhan.

Hiiraanweyn sida ay ogaatey,ilaa hadda hal qof ayaa ku dhintey roobabka kala duwan ee ka da’ay caasimadda dalka ee Muqdisho,Khasaaraha hantiyeed ayaase aad u badan,waxaana dumay oo ay daadadka qaadeen,Dugsiyo Qur’aan xaafado iyo goobo kale.

 

WARARKA