Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiir Fartaag oo Qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaalia

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag}, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya Marwo Karen Johanson.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, qorshaha marxaladda kala-guurka ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, tababarrada Ciidamada Daraawishta Boliiska, horumarinta sharciyada iyo qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Labada dhinac waxay isla garteen in la joogteeyo kulamada, isla markaana la dardargeliyo hirgelinta hawlaha qorsheysan iyo ka baaraandegga hawlaha hortebinta uleh amniga sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

 

WARARKA