Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

MD Xasan oo Muqdisho ku soo laabtay Kidib Safaro uu Ku Tagay Dalal Dhoowr Ah

Khamiis 20 June 2024 {HMC}  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku tagay dalalka Norwey, Switzerland, Turkiga iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway uga qeybgaley Madasha Nabadda ee Oslo , halkaas oo uu hadal ka jeediyay. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha uu kulamo la yeeshay Boqorka iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway.

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu dalka Switzerland uga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn safarkiisa shaqo kusoo gabagabeeyay dalalka Turkiga iyo Jamhuuriyadda walaalaha nahay ee Jabuuti isagoo la kulmay madaxda labadaasi dal.

WARARKA