Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in Canada aay argagaxiso u aqoonsatay Milateriga Iran

Khamiis june,20 2024 (HMC) – Canada ayaa liiska waxa loogu yeero argagixisada ku dartay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC)

Waxaa go’aankan ku dhawaaqay wasiirka Amniga Dadweynaha Canada, Dominic LeBlanc.

Talaabadan ayaa ka dhigan inay xiri doonaan laamaha sirdoonka Canada, dadka ku sugan gudaha dalkooda ee lagu helo inay taageeraan IRGC, si la mid ah waxay xayiri doonaan hantida saraakiisha ciidankan.

Ilaalada Kacaanka Iran, waa ciidanka ugu sarreeya Iran, tan oo ka dhigan inay Canada u aqoonsanayso argagixiso ciidamada ugu awoodda badan ee uu dal leeyahay

Falkan ayaa sare u qaadaya xiisadda reer galbeedka iyo Iran. Sida cad Iran ayaa qaadi doonto tallaabooyin tan la mid ah oo liiskeeda argagixisada ay ugu dari karto militariga Canada.

WARARKA