Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiyaha Sodma oo Ka Qeybgalay Shir Ka Dhacay dalka Japan

Khamiis 20 June 2024 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkan howlo shaqo u joogay magalada Himeji ee dalka Japan iyaga oo ka qayb-galaya shir laba sanadle ah oo lagu magacaabo Madasha Caalamiga ah ee Fahamka Halista “Understanding Risk Global Forum“.

Gudoomiyaha ayaa Madasha ka jeediyay khudbadiisa oo uu kaga hadlay sooyaalka hay’adda SoDMA, guulaha ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay, howlaha hortabinta u leh hay’adda iyo caqabadaha horyaalla hay’adda. Wafdiga ayaa sidoo kale ka qaybgalay shirar doceedyo iyo doodo looga hadlayay arimaha la xiriira maaraynta masiiboouyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahayn.

Ugu danbeeyntii, Guddoomiye Maxamuud ayaa u mahad celiyay Bankiga Adduunka oo abaabulka shirka iyo dowladda Japan oo martigalisay.

WARARKA