Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliska Ciidanka X.D.S oo Qaadanaayo layli saraakiil rag iyo dumarba leh.

Talaado june, 18 2024 (HMC) – Taliska ciidanka X.D.Soomaaliyeed waxa uu qaadanaya layli saraakiil cusub oo rag iyo dumarba leh.
Taariikhda arji qabashada:
Ragga 06-da Luulyo ilaa 18ka Luulyo
Dumarka : 20ka Luulyo ilaa 25Ka Luulyo
Shuruudaha

■Waa inoo ahaada muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya.
■Waa inoo wataa Shahaado dugsi sare oo asal ah(orginal) ama wax ka sareyo.
■Waa inay Da’da u dhaxeysaa 18 sano ilaa 22 sano jir (2002-2006)
■Hadii uu ardayga sanadkaan dugsi sare ka qalin jabiyay aanu wali uso bixin shahaadada waxaa laga doonaya:.Warqad cadeynaysa inuu shahaado suge yahay oo timbaraysan
◇Kaarka imtixaanka dowladda uu ku galay.
◇Dhalasho Iyo sugnaan oo gobolka ah ama Passport.
■In uusan horay uga soo mid noqonin kooxaha argagixisada ah.
■In uusan balwad lahayn.
☆Heerarka dhirika iyo culeyska waxaa lagu muujiyay Tusmada 1’aad.
☆Heerarka awoodda jirka waxaa lagu muujiyay Tusmada 2aad.
☆Maadooyinka Imtixaanka qabuulka iyo tirada su’aalaha waxaa lagu muujiyay Tusmada 3aad.

FG: Ardayga hadii uu ku imaanayo shahaado Jaamacadeed waxa uu horay usoo qaadanayaa Shahaadada dugsi sare oo asal ah {orginal}
Dhamaan ducoment-yada lagaa doonayo waa inay asal ahaadan (orginal) hadii aad fotokopi la timaado laguma qaabili doono.

WARARKA