Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Sidee ayuu Mbappe u ciyaari doonaa kulamada hadhay koobka Qaramada Yurub?

Talaado 18 June 2024 {HMC} – Kylian Mbappe ayaa sanka ka jabay intii lagu gudo jiray kulankii furitaanka ee France ee Euro 2024 laakiin sida la soo werinayo, uma baahan doono wax qalliin oo degdeg ah.

Xidhiidhka Kubadda Cagta Faransiiska ayaa sheegay in maaskaro ama ‘weji gashi’ loo samayn doono kabtankooda, laakiin weli lama oga in uu Jimcaha ciyaari doono kulanka ay kooxdiisu la ciyaarayaan Netherlands iyo in kale.

25 jirkan weerarka ka ciyaara ayaa lagu qasbay in uu garoonka ka baxo intii lagu guda jiray isniintii 1-0 ay kaga badiyeen Austria ka dib markii uu wajigiisa garabka kaga dhuftay Kevin Danso, xilli uu is lahaa kubbadda madaxa ku dhali.

Waxaa loo qaaday cusbitaalka Dusseldorf halkaas oo lagu xaqiijiyay waxa gaadhay markii danbe.

WARARKA