Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxay Tahay Sababta Ka Danbeeys in Sheekh Shariif uu ammaano Maxamed bin Salmaan?

Talaado june, 18 2024 (HMC) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ammaanay oo u mahad-celiyey dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan oo sanadkan ku marti-qaaday gudashada waajibaadka Xajka.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ku ammaanay dhaxal-sugaha iyo boqortooyada Sacuudiga is-garab taagga wadamada Islaamka oo dhan, gaar ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’adaannimo.

Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif

Waxay mahad u sugnaatay Allaah {SWT}, oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka.

Waxaan si gaar ah, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadcelinayaa casuumaada martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka oo aan kamid ahaa.

Waxaan bogaadinayaa kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga wadamada Islaamka oo dhan gaar Ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay muddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed uga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo inooga dhigo.

 

WARARKA