Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Greece oo la sheegay in tahriibayaal Soomaali ku jirto ay ku tuureen badda

Talaado june, 18 2024 (HMC) – Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sababay dhimashada tobonaan muhaajiriin ah oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka muddo saddex sano ah sida ay goob joogayaal sheegeen.

Muhaajiriintan baddda lagu tuuray ayaa la sheegay inay ku jiraan sagaal qof oo si ula kac ah loogu tuuray biyaha.

Sagaalkan qof ayaa kamid ah in ka badan 40 qof oo lagu eedeeyay in ay dhinteen iyadoo lagu qasbay in laga saaro biyaha Giriiga, ama dib loogu celiyay badda ka dib markii ay gaadheen jasiiradaha Giriiga, sida lagu ogaaday baaritaanka Ay Sameeysay Waraahinta.

Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa baaritaankeena ku sheegay in eedeymaha falalka sharci darrada ah ay yihiin kuwo sal iyo raad toona lahayn.

Waxaana La tusnay muuqaalka 12 qof oo la soo saaray doon ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriiga, kadibna loogaga tagay doonida, taas oo loo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ilaalada xeebaha Giriigga.

Markii uu ka kacay kursigiisii, ee uu weli makarafoonkiisu shidnaa, waxa uu sheegay in ay “sida iska cad sharci-darro tahay” iyo “dambi caalami ah”.

Dowladda Giriiga ayaa muddo dheer lagu eedeyay inay dib ugu celinayso dadka si qasab ah, iyadoo dadka dib ugu celinaysa Turkiga, halkaasoo ay ka soo gudbeen, taasoo sharci darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Laakiin tani waa markii ugu horreysay oo Warbaahinta ay tiriso dhacdooyinka oo sheegaya in dhimasho ay ka dhalatay falka ilaalada xeebaha Giriigga.

15-kii dhacdo ee aan falanqeynay ee ku taariikhaysan May 2020-23 – ayaa sababay dhimashada 43. Ilaha waxay ahaayeen warbaahinta maxaliga ah, NGO-yada iyo ilaalada xeebaha Turkiga.

Xaqiijinta tiarada noocaan ah aad ayay u adag tahay, marqaatiyadu inta badan waa la waayaa, ama aad ayay uga baqayaan inay hadlaan. Laakiin afar ka mid ah kiisaskan waxaan awoodnay inaan xaqiijinno tiarada annagoo la hadalnay markhaatiyaal goob-joogeyaal ah.

Baaristeenna, oo lagu baahiyay dukumiinti cusub oo la yirahdo Dead Calm: Killing in the Med?, ayaa soo jeedisay qaab cad.

Shan ka mid ah shilalka, muhaajiriinta ayaa sheegay in ay si toos ah badda ugu tuureen maamulka Giriigga. Afar kamid ah kiisaskaas waxay sharraxeen sida ay uga soo degeen jasiiradaha Giriigga laakiin waa la ugaarsaday.

Dhowr dhacdo oo kale, muhaajiriintu waxay sheegeen in la saaray laashash la buufiyo oo aan lahayn matooro ka dibna aaryo baxay, ama ay u muuqdaan in la dalooliyay.

Mid kamid ah dhacdooyinka ugu daran waxaa ka sheekeeyay nin u dhashay Cameroon, kaasi oo sheegay in ay ugaarsadeen mas’uuliyiinta Giriiga ka dib markii uu ka degay jasiiradda Samos Sebtembar 2021.

Si lamid ah dhammaan dadkii aanu waraysanay, waxa uu sheegay in uu qorsheynayay in uu magangalyo doon ahaan iskaga diiwaan-geliyo dhulka Giriiga.

“Si dirqi ah ayaanu ugu soo xiranay jasiiradda, booliiskuna gadaal buu nagaga yimi,” ayuu yiri. “Waxaa jiray laba nin oo boolis ah oo ku labisnaa dhar madow, saddex kalena waxay ku labisanaayeen dhar rayid ah, wejiyada ayay duubnaayeen, waxaad arkaysay oo keliya indhahooda.”

Isaga iyo laba qof oo kale, mid u dhashay Cameroon iyo nin u dhashay Ivory Coast ayaa lagu wareejiyay doon ay leeyihiin ilaalada xeebaha Giriigga, ayuu yiri, halkaas oo dhacdooyinku ay noqdeen kuwo argagax leh.

“Waxay ku bilaabeen ninka u dhashay Cameroon. Waxay ku tuureen biyihii. Ninka reer Ivory Coast ayaa yiri: ‘I badbaadi, ma rabo inaan dhinto kadibna kaliya gacantiisa ayaa ka sarreysay biyaha, jirkiisuna waa uu ka hooseeyay.”

“Si tartiib tartiib ah ayay gacantiisu u libiqday, ka dibna jirkiisa oo dhan ayay biyihii ka kor mareen.”

 

WARARKA