Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo ku Dhawaaqday go’aanka aqoonsiga Somaliland.

Isniin june, 17 2024 (HMC) –  Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ku dhiiratay inay si shaacsan u sheegto inay aqoonsaneyso Somaliland, xilli uu socdo qorshe lagu dhaqan-gelinayo heshiiskii Addis Ababa.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warshadaha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X {ex-Twitter} ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.

“Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan.

“Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen,” ayuu yiri madaxweynd Muuse Biixi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi. Diyaar ayaan u nahay.”

Arrimahan ayaa imanaya xilliabada dhinac ay weli diyaarinayaan heshiiska rasmiga ah.

Xitaa haddii ay Itoobiya aqoonsato Somaliland, lama mid ahan in dalal kale ee qaaradda ay ku dayan doonaan.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa teegeero buuxda u muujiyey Soomaaliya, oo 6-dii June xubin aan joogto aheyn ka noqotay Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale heshiis difaac la gashay Turkey, kaasi oo dhigaya in Ankara ay ka ilaaliso cid kasta oo ku soo xad-gudubta madax-banaanida iyo qarannimadeeda.

WARARKA