Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Meedka Hooyo shan sanno kahor Laga aasay Qabuuraha iskuul Buluusiya oo Maanta Loo Qaaday Caabdwaaq

Khamiis june, 13, 2024 (HMC) – Waxaa wali qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho ka socota in dadkii eheladooda halkaasi ku aasnaayeen kala baxaan, kaddib ammarkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadanaa in halkaasi laga saaro meydadka dadka ku aasan.

Dad badan ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay qabuuraha kala baxay qalfoofta ehelkoodii halkaasi sanadaha badan ku aasnaa, waxa ayna dib ugu aasayeen qabuuro kale oo ammaan ah .

Qoyska hooyo geeriyootay shan sanno kahor oo maanta haraadiga jirkeeda oo laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa loo dhoofiyay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaas oo mar kale la filayo in dib loogu aaso.

Ehelada marxuumad Warsan Xaaji oo shan sanno kahor lagu aasay qabuuraha Iskuul Buluusiya, ayaa sheegay in meydka kala soo baxeen qabuuraha, waxa ayna xuseen in ay u qaadeen halkii ay ku dhalatay oo ay sheegeen in aysan jirin cid meydkeeda kasoo saareysa mar kale.

Dad badan ayaa meydadka ehelkooda haraadiga kasoo haray kala soo baxaya qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoona goobo kale dib ugu aasaya, waxaana ammarkan dowladda kasoo baxay dhaliyay hadal heyn badan iyo carro dhanka bulshada ah.

WARARKA