Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

XFS oo Shaacisay in uu miro-dhalay Wadahadallo u socday DFS iyo Puntland

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud oo ka hadlay shir ka dhacay magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in miro-dhaleen wadahadallo u socday dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Xasan Macalin ayaana sheegay in uu hadda soo yeeray war farxad leh oo ku aaday in meel fiican oo miro-dhal ah marayo wadahadaladii u socday dowladda Federaalka iyo Puntland, waxa uuna rejo ka muujiyay in wada shaqeyntii labada dhinac soo laabato.

”Waxaan rabaa in aan idinla wadaago war farxad leh , kaas oo ah in ay miro-dhaleen wadahadaladii socday oo runtii wada bilaabanayaan barnaamijyadii lawada qaban jiray mustaqbalka dhaw Insha Allah, warkan waa farxad iyo mid na rajo galineysa ” ayuu yiri wasiirka Caddaaladda Soomaaliya.

Wasiirka Caddaaladda faah faahin badan kama bixin wadahadalada socda cida ay sida toos ah u dhax mareen iyo qodobada la isku fahmay, kaliya waxa uu sheegay in wadahadalo socday ay miro-dhaleen.

Maamulka Puntland ayaa horey xiriirka ugu jartay dowladad Federaalka Soomaaliya, waxa ayna maamulkan ka baaqsadeen shirar dhowr ah oo magaalada Muqdisho iyo dowlad goboleedyada qaarkood ka dhacay.

Madaxtooyada Puntland ayaan wali ka hadlin warkan cusub ee kasoo yeeray xukuumadda Soomaaliya ee ku aadan in wadahadallo labada dhinac u socday miro-dhal ku dhaw yihiin, mana jiro shirar la ogyahay oo labada dhinac dhax maray.

WARARKA