Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muxuu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya kala hadlay James Swam?

Arbaco 12 June 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya {UNSOM} James Swan ayaa magaalada Muqdisho ku yeeashay kulan gaar ah.

Wasiirka iyo James Swam ayaa kulanka ay yeesheeb looga hadlayay horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, dhimista ciidamada ATMIS iyo dib u habeynta ammaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed oo ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howlgaladda ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada ayaa dhanka kale tilmaamay muhiimada xiligan ay leedahay xoojinta taageerada UNSOM.

Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya {UNSOM} James Swan ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay sida naf hurnimada leh ee ay uga go’antahay in ay dalkooda ka xoreeyaan kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.

WARARKA