Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Muqdisho oo lagu dilay Nin oday ahaa xilli uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday

Axad 09, June 2024 {HMC} Kooxo burcad hubeysan ayaa xalay salaadii cishaha kaddib xaafada Shanta Geed ee degmada Dharkeenley, waxa ay ku dileen nin oday ah oo kamid ahaa dadka deegaankaasi ku dhaqnaa.

Sida aan wararka ku helnay burcad hubeysan oo moobeel ka dhaceysay ayaa toogtay marxuum Cabdullaahi Cabdi Cumar oo 50-sanno jir ahaa, marxuumka ayaana xilliga la dilayay ka baxay masaajiid uu ku xirnaa uu ku dukaday kuna sii jeeday gurigiisa.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in burcada dhowr xabadood ku dhufteen marxuumka horeyna uga sii qaateen moobeelkii uu watay, waxaana baxsaday oon gacanta lagu soo dhigin raggii burcada ahaa ee dilka geestay.

Ehelada marxuumka ayaa sheegay in uu ahaa nin wannaagsan oo si fiican looga yaqaanay deegaanka, waxa ayna sheegeen in uu ahaa nin wadaad ah oo ku xirnaa masaajidka kana mid ahaa dadka kutubada ka raacda.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya dilalka iyo dhaca ay kooxaha burcada ah u geesanayaan dadka shacab ah, waxaana marar badan lasoo qabtay kooxo burcad ah oo shacabka dhibaato ku hayay, kuwaa oo qaarkood la sheegay in xabsiga laga sii daayay.

WARARKA