Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

MD Somaliland oo Sheegay heshiiska ay la galeen Itoobiya in uu yahay mid labada dhinacba dan ugu jirto,

Axad 9 June 2024 {HMC} Madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal u jeediyay labada golle ee Baarlamaanka Somaliland ayuu kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya xaalada Somaliland.

Muuse Biixi ayaa khudbada uu jeediyay kaga hadlay heshiiskii ay gaareen maamulkiisa iyo dowladda Itoobiya , kaa oo dhigayay in Itoobiya la siiyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, dhanka Itoobiyana iyana u aqoonsato in ay yihiin dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in maamul ahaan diyaar u yihiin in ay iskaashi iyo wax wada qeybsi la sameestaan cid kasta oo u garaabeysa maamulkooda una aqoonsaneysa in dal madax-bannaan noqdaan.

”Waxaannu ka tashannay danta Somaliland, waxa lagama-maarmaan noqotay in la-raaco halka ay ku jirto danta Somaliland. Danta Somaliland waxay ku jirtaa Dawlad kasta oo ka garaabaysa Qaranimada Somaliland iyo Madax-bannaanideeda. Dal kasta oo ogol in ay Somaliland si siman wax-u-wada qabsadaan oo ay danno isu-weydaarsadaan iyo saaxiibtimo ku fadhida is-ixtiraam iyo is-qadarin” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska ay la galeen Itoobiya uu yahay mid labada dhinacba dan ugu jiro, isagoo tilmaamay in Itoobiya san ugu jirto in ay hesho bad , halka dhanlooda dan ugu jirto aqoonsi.

”Is-af-garadka Ethiopia iyo Somaliland dhex-maray 1-dii January waxa sal u ah qodobbada aan soo xusay ee ah sinnaan laba dal oo midna Aqoonsi helaayo, midna Saldhig Ciiidan Baddeed oo kiro ah helaayo. Nuxurka wax-wada-qabsigu waa horumarinta ganacsiga, iyada oo Dekedda Berbera u adeegi doonta Dadka iyo Dalka Ethiopia” ayuu yiri Muuse Biixi.

Heshiiska dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland gaareen ayaan wali fulin, waxaana heshiiskaasi si weyn uga hortimid dowladda Federaalka Soomaaliya, oo caalamka ashtako ka dhan ah heshiiska iyo dowladad Itoobiya u gudbisay .

WARARKA