Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Digniino adag oo Laga soo Saaray Dhac Lagu eedeeyay Gudoomiyaal Degmo

Axad 09, June 2024 {HMC} Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baasha Yuusuf Axmed oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Muqdisho, ayaa digniin adag kasoo saaray dhac farsameysan oo ay bilaabeen qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Baasha Yuusuf ayaa sheegay in ay hayaan xogta guddoomiyaal degmo oo si khaldan u adeegsanaya xilka ay hayaan, kuwaa uu sheegay in dhibaato ku hayaan qaar kamid ah shacabka degan degmooyinka ay maamulaan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Sare in ay jiraan guddoomiyaal degmo oo dadka weydiinaya dukumiintiyada guryaha ay degan yihiin, waxa uuna xusay marka ay ka waayaan in guryaha ka saarayaan si ay u iibsadaan ama lacago baad ah uga qaataan.

Guddoomiyah Maxkamadda Sare ayaana uga digay guddoomiyaasha falalkaasi ku kaca in ay galaayaan dambi ayna ku muteysan karaan ciqaab adag, isaga oo sheegay in qof walbo lagu qaadi doono ciqaabta dambiga uu galay.

Hadalka guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa kusoo aadaya xilli shacabka degan magaalada Muqdisho qaarkood ka cabanayaan in awoodda iyo shaarka dowladda lagu dhibaateeyo mararka qaar laguna baado

WARARKA