Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Masuuliyiin tagtay Ceeldheer kaddib weerarkii Al Shabaab shalay ku qaadeen

Axad 09, June 2024 {HMC} Kooxda Al Shabaab ayaa shalay weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen degmada Ceeldheer waxaa ku dhintay saraakiil katirsanaa ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, waxaa sidoo kale ku dhintay askar iyo dad kale oo shacab ahaa.

Waxaa saakay degmada Ceeldheer gaaray masuuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe, masuuliyiintan ayaana degmada u tagay garab istaag iyo dhiirigelinta ciidanka huwanta ee iska difaacay weerarkii Al Shabaab.

Masuuliyiintan oo dhiirogelin ugu tagay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ku amaanay sidii ay jilbaha ugu dhigeen isagana difaaceen weerarkii kooxda Al Shabaab shalay kusoo qaadeen degmada Ceeldheer.

Xaalada degmada Ceeldheer oo shalay dagaal dhiig badan ku daatay uu ka dhacay ayaa saakay ah mid degan, waxaana degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

WARARKA