Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Askari ka tirsan ciidanka Israa’iil, oo ka mid ahaa askartii laga saaray Qasa oo is dilay

Axad 9 June 2024 {HMC} Talaabada uu qaaday askarigan ayaa tmid kaddib markii lagu wargeliyay inuu dib ugu laabanayo Qasa, sida ay sheegtay Al-jazeera oo xiganaysa warbixin laga sii daayay raadiyaha ciidanka Israa’iil.

Ciidamada Israel ayaa cabsi iyo argagax weyn kala kulmay dagaalada ka holcaya Magaalada Gaza kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay halka qaar kalena ay qaadeen cuduro nafsi ah iyo waxyeelo xaga maskaxda ah.

Dhinaca kale, Wasiirka amniga Israa’iil, Ben Gvir ayaa isku dayay inuu ka qayb galo aaska sarkaal ka tirsan ciidanka Israa’iil oo la sheegay in lagu dilay inta uu socday howlgalkii shalay ay Israa’iil ku soo furatay 4 maxabuus.

Qoyska sarkaalka ayaa la sheegay iney diiddeen inuu aaska yimaado Gvir, iyagoo sheegay inaysan dooneyn siyaasiyiinta inay isku sawirraan munaasabadda aaska wiilkooda iyagoo dhibco siyaasadeed ka raadsanaya.

Dawladda Colombia, ayaa Dhinaca kale ku dhawaaqday go’aan ay ku joojinayso dhuxusha ay ka iibiso Israa’iil ilaa xasuuqa ka socda marinka Qasa uu joogsanayo.

WARARKA