spot_imgspot_imgspot_img

Xubin Muhiim U Eheed Al shabaab iyo ilaaladiisa oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Sabti june, 08, 2024 (HMC) – Wasiirka Wasaaradda Amiga maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koofur galbeed ay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa al shabaab iyo ilaalo uu watay.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in howlgal qorsheysan oo ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ka fuliyeen degmada Ufurow ee gobolka Bay lagu dilay sarkaalka iyo ilaalo uu watay oo gaaraya 5 xubnood.

Ciidanka oo haystay xogta kooxdan ayaa ka soo baxay degmada Qansax dheere ee gobolka Bay, halkaasoo saldhiyo ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed sida wasiirku sheegay.

“Howlagalkaasi Ciidanka mid qorshaysan ayuu ahaa degmada Qansax dheere ayayna kasoo bexeen waxayna degmada Ufurow ku dileen sarkaal iyo malleeshiyaadkiisa” ayuu yiri wasiirka amniga KG oo aan sheegin magaca sarkaalka la dilay iyo waxa uu al shabaab u qaabilsanaa.

WARARKA