Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Somaliland oo soo iibsatay dayuurado kuwaasoo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah

Sabti june, 08, 2024 (HMC) – Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay Madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, Taliska Guud ee ciidanka Qaranka Somaliland iyo Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

Muuse Biixi waxa uu kormeeray diyaarado cusub oo markii u horaysay ay yeelan doonto Somaliland, kuwaasoo lagu tababari-doono farsamo-yaqaano iyo duuliyeyaal madani ah muddo laba sanno ahna qaadan doona casharada la xidhiidha cillad bixinta iyo duulimaadyada diyaaradaha oo ay Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland u diyaarisay, si loo helo dad aqoon dheeraada u leh arrimaha duulimaadyada, kana soo qalinjebiya Dugsiga Barashada Duulimaadyada (Civil Aviation Institute) oo ay dhigi doonaan macalimiin ajaanib ah oo aqoon u leh xirfadaas, maadaama Madaxweynaha uu qorshaynayo sidii looga miro dhalin lahaa hirgelinta iyo aasaaska shirkada Diyaaraha ee Somaliland Airlines mustaqbalka dhaw.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kormeeray taawarka laga hago diyaaradaha kala duwan ee isticmaalaya hawada Somaliland, waxaanu madaxweynuhu warbiximo ka dhegeystay maareeye ku xigeenka Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, mudane Sharmaake Ismaaciil Idiris iyo hawl-wadeenada ku hawlan shaqada dhinaca hawada, Iyagoo Madaxweynaha tusay shaqada ay hayaan baaxadeeda iyo sida ay u kala hagaan una kala badbaadiyaan diyaaradahaa, siyaana adeegyo badan oo ay u baahan yihiin.

Ugu danbayn Madaxweynaha Somaliland waxa uu kormeeray Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland waxaana halkaa ku soo dhaweeyey taliyaha Ciidanka, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil kala duwan, halka Taliyaha Ciidanka Boolisa Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo hoggaanka dhismuhu ay ku soo dhaweyeen madaxweynaha Dhismayaal ka socda Taliska guud ee ciidanka Booliska Somaliland.

WARARKA