Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Rag Ka Tirsanaa AS oo Nolosha Lagu Qabtay iyo Kuwa Kaloo….

Sabti june, 08, 2024 (HMC) – Ciidanka dowladda ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Baareey oo qiyaastii 8-KM u jira degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna halkaasi ku dileen xubno katirsan Al Shabaab , halka kuwa kalana ay nolosha ku qabteen.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in ciidanka oo helay xogta koox katirsan Al Shabaab oo jidka u galay sidii ay dadka u dhibaateyn lahaayeen, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in si lama filaan ah ugu kor dhaceen kooxda Al Shabaab. ee jidka gashay.

Ciidanka ayaana howlgalka ku dilay labo xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ee jidka galay, waxa ay sidoo kale ciidanka nolosha kusoo qabteen 13-xubnood kale oo katirsanaa kooxda Al Shabaab oo is dhiibay.

Magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan in la keenay maleeshiyaadka Al Shabaab katirsan ee ciidanka dowladda nolosha ku qabteen, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay faah faahin dheeraad ah ka bixin doonaan howlgaljan maanta la fuliyay.

WARARKA