spot_imgspot_imgspot_img

duleedka Kismaayo oo laguu gubtay boqolaal kiish oo bur ah

Sabti june, 08, 2024 (HMC) – Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa maanta duleedka waqooyi ee Kismaayo ku gubtay raashiin xumaaday

Raashiinka la gubay ayaa ka koobnaa 738-kiish oo Bur ah, kaasoo ku soo xumaaday gudaha markabkii u soo siday Kismaayo.

Goobta lagu gubayay Burka tayadiisu xumaatay ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubbaland, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ahna xoghayaha Ruga Ganacsiga Soomaaliya iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Tayodhowrka Jubbaland.

Masuuliyiintan ayaa sheegay inaan Magaalada Kismayo laga soo dejin karin raashiin xumaaday ama dhacay, lagana qaadi doono talaabo sharci ah si loo ilaaliyo Caafimaadka guud ee bulshada.

 

WARARKA