Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo ka hadashay weerarkii qaraxyada ku bilowday ee Al Shabaab ku qaaday Ceeldheer

Sabti 8 June 2024 {HMC}  Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugan yihiin degmada Ceeldheer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo dhiig badan ku daatay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kooxda Al Shabaab lagu jabiyay weerarkii saakay aroortii hore ku qaadeen degmada Ceeldheer.

Al Cadaala ayaana sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, waxa uuna sheegay in hadda socdaan dhameestirka howlgalka ka dhanka ah kooxdii weerarka soo qaaday sida uu tilmaamay.

”Khawaarijta si adag ayaa loogu jabiyay Ceeldheer , alle ayaa mahadsan, Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha deegaanku waa mahadsanyihiin, dhamaystirka hawlgalka ayaa socda, ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Dhinaca kale warbaahinta dowladda war lagu daabacay ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay hayeen xogta kooxda Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxa ayna xuseen in weerarkaasi Al Shabaab si weyn loogu jabiyay.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen degmada Ceeldheer, waxa ayna sheegeen in halkaasi la wareegeen kuna dileen ciidan badan, sidoo kale ku qabsadeen hub kala duwan iyo saanad.

Sheegashada labada dhinac marka laga soo tago ma jiraan ilo madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarka Al Shabaab saakay ku qaaday degmada Ceeldheer iyo waliba cida libinta dagaalka heshay.

WARARKA