spot_imgspot_imgspot_img

Xubin AS Uqaabilsanaa Aruurinta Lacagaha Magaalada Muqdisho oo La Xukumay

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” , ayaa loo soo xiray kamid ahaanshaha AS, gaar ahaan inuu u Qaabilsanaa aruurinta lacagaha aay ka Qadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho.

Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa AS ku biiray dhammaadka sanadkii 2020-kii, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo AS ka tirsan, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Eedeysane Maxamuud, ayaa AS u aruurin jiray lacagaha , isaggoo AS u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago

Sidoo kale waxa uu AS u gudbin jiray Qiyaasta qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogtooda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa, arrimahaan wuxu ka shaqeynayey muddo Seddex Sano iyo Lix bilood ah, isaggoo Mushaar ahaan seddexdii biloodba mar ay AS U siin jireen lacag dhan Labo boqol oo Dollar, Gacanta Hay’addaha amnigana waxa uu soo galay Sagaal iyo Laabaatankii Bishii January ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bishii May ee Sanadkaan 2024.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

WARARKA