Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

XAMZA oo qudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka Koonfur Kuuriya iyo Afrika.

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ka qayb-galay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Jamhuuriyadda Kuuriya iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyada.

Xamza ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, isla markaana Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika uu abuurayo fursado maalgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha ay haysato, isaga oo tilmaamay in ay dhacdo goob istiraatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isaga oo sheegay in Alle uu ugu deeqay kheyraad dabiici ah.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waa weyn ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fududeyneya maalgashiga caalamiga ah.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in uu rajeynayo in waaya-aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknoolajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya.

Shirkan waa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ka qayb-galayaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, kaas oo looga wada-hadlayo iskaashiga labada dhinac.

Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay wadday dadaallo xoogan oo kula macaamilo dalalka caalamka, maadaama laga cafiyay daynta, sidoo kalena laga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd.

WARARKA