Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiir muqtaar Roobow oo si kulul ugu hadlay eedeymo loo jeediyay oo ku aadan arrimaha Xajka.

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan Xajka sanadkaan.

Roobow ayaa marka hore soo hadal qaaday eed loo jeediyay oo ku saabsan inuu Xajka ka dhacay lacag 10 milyan oo dollar ah, taas oo la sheegay inuu ka qaatay shirkadaha.

Wasiirka ayaa beeniyay in ay jirto arrintaasi, isaga oo ka sheekeeyay hadal dhex-maray isaga iyo nin kale oo culimo ah oo kala hadlay lacagtaas lagu eedeeyay isaga.

“Maalin dhaweyd nin culima ah oo lagu tiriyo uun culimada Soomaaliyeed ayaan mar wada-hadleynay wuxuu igu yiri waxaan hubaa dhowr 10 milyan inaad Xajka ka dhacday, war saas ma jirto ayaan ku iri markaas ayuu igu yiri haddii kalena nin aan waxba la socon ayaa tehee gacantaada wax lagu cunay” ayuu yiri wasiirka diinta iyo awqaafta Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar oo hadalkiisa sii wata ayaa garnaqsaday, wuxuuna tilmaamay in arrintan wax laga waydiin karo shirkadaha Xajka oo uu ku dooday in xitaa aan laga qaadin hal sinti.

“Shirkadaha waa joogaan hadda ma u maleynaayo hal shirkad oo na dhihi karto hal sinti oo laaluush ah ayaa layga qaatay” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuuu hoosta ka xariiqay in wasaaraddu ay dadaal badan gelisay arrimaha Xajka, isla markaana ay shaqo wanaagsan ka qabatay, si loola dagaalamo musuqa.

“Waxaa dhici jirtay in fiisooyinka suuqa lagu iibsado, laakiin labada sano oo aan joogno lama iibin hal xabo” ayuu sii daray Roobow.

Sanad kasta ayaa waxaa qaylo dhaan kasoo yeertaa adeegga Xajka, waxaana bannaanka usoo baxa eedeyn loo jeediyo wasaaradda iyo shirkadaha qaar oo xadgudub lagu eedeeyo.

WARARKA