Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dabley u dhashay dalka Syria oo Safaarad dowladda Mareykanka leedahay saakay weeraray

Arbaco 5 June 2024 {HMC} Hadal ka soo baxay Ciiddanka dalka Lubnaan ayaa lagu xaqiijiyey in Dabley u dhashay dalka Syria uu saakayto oo Arbaco ah weerar ku qaaday meel ku dhow Dhismaha Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin nawaaxiga Deegaanka Aukar ee Waqooyiga Caasimada dalkaasi ee Beirut.

Qoraalka waxaa lagu xusay in la dhaawacay Ninkii weerarka ku qaaday safaaradda Maraykanka, kadib, Israsaasayn socotay muddo 30 daqiiqo ah.

Docda kale, Safaaradda Maraykanka ayaa xaqiijisay weerarkaasi iyo inaysan waxba soo gaarin Dibloomaasiyiinta iyo Shaqaalaha ee ku sugnaa gudaha Safaaradda.

Qoraal la soo dhigay Barta X ee Safaaradda Maraykanka ee Lubnaan (@usembassybeirut) ayaa lagu sheegay in Hub Fudud lagu soo weeraray Kadinka laga galo Dhismaha Safaaradda abaarihii 08:34 daqiiqo ee Aroornimadii saakayto

Qoraalka waxaa mahadnaq loo jeediyey Fal-celinta Degdega ee Ciiddanka Lubnaan (LAF), ISF iyo Kooxda Ilaaladda Safaaradda (Embassy security team).

Ninkii weerarka geystay oo la dhaawacay ayaa la dhigay Isbitaal ay leeyihiin Milliteriga dalka Lubnaan.

Weerarkii maanta ma ahayn kii ugu horeeyey ee lagu qaado Dhismaha Safaaradda Maraykanka ku leeyihiin Caasimada dalka Lubnaan ee Beirut.

Sanadkii 1983-dii, weerar loo adeegsaday Qaraxyo ayaa lala beegsaday Safaaradda, iyadoo ay 63 qof ku geeriyoodeen.

Weerarkaasi kadib, Dhismaha Safaaradda Maraykanka oo ku yaallay Bartamaha Beirut waxaa loo soo wareejiyey Nawaaxiga Deegaanka Aukar ee Waqooyiga Beirut oo ay ku badan yihiin dadka Kirishtaanka Lubnaan.

Qarax kale ayaa lala beegsaday Dhismaha Cusub ee Safaaradda Maraykanka bishii September 20-dii ee sanadkii 1984-kii.

 

WARARKA