Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Cali Guudlaawe oo Wareejiyay Dhulka Laga Dhisayo Xarunta Ciidamada Danab

Talaado 4 June 2024 {HMC} Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa maanta booqday Taliska Qeybta 5-aad xarunta howgalka kumeel-gaarka ah ee Midoowga Afrika {ATMIS} si ay uga wada hadlaan iskaashiga amni ee u dhaxeeyo Hirshabeelle iyo ATMIS.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taas Jowhar ka hirgelineyso xarun ay leeyihiin ciidamada Danab.

“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhammeystirayo AS waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen {Cali Guudlaawe} ayaa u diyaar-garoobayo hoggaaminta wejiga 2-aad ee dagaalka AS.

WARARKA