Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen oo isku qilaafay qorshaha ciidanka ITOOBIYA.

Isniin 3 June 2024 {HMC} Waxaa muuqata inuu banaanka usoo baxay khilaaf ka dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Khilaafkan ayaa waxaa soo saaray qorshaha ay dowladda federaalka ku dooneyso in dalka looga saaro ciidamada Itoobiya, oo badankood ku sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Laba maalin ka hor ayaa Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya, wuxuu sheegay in marka uu dhammaado muddo xileedka ATMIS oo ku eg December 2024 ay dalka ka bixi doonaan ciidamada Itoobiya, halka kuwa kale ee Afrikaanka ahna ay muddo sanad ah ku sii joogi doonaan howlgal kale.

Warkan ayaa waxaa aad ugu riyaaqay Soomaalida badankood, saabo la xiriira xiisadda ka dhaxeysa laba dal iyo xadgudubka ay Addis-Ababa ku sameysay qarannimada Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxaa yaab leh in xildhibaano aad ugu dhow Lafta-gareen oo ay ka mid yihiin Cali Saciid Fiqi iyo Xasan Cabdinuur ay u ololeeyaan joogitaanka ciidamada Itoobiya, ayaga oo baraha bulshada soo dhigaya qoraallo ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh, oo qaarkood ay la socdaan hanjabaado.

Ma cadda haddii khilaafkan ku siman yahay kaliya arrinta ciidamada Itoobiya iyo haddii ay jiraan arrimo kale oo qarsoon oo ay isku hayaan labada dhinac.

Madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen ayaa sanadkii hore ku heshiiyey in muddo xileedka Lafta-gareen oo ku ekaa December 2023 lagu daro hal sano, ayada oo madaxweynaha Soomaaliya uu arrintaas ku qanciyey mucaaradka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan uu hoggoomiyo.

Si kastaba, ayada oo December 2024 ay soo siqeyso ayaa waxaa muuqaneysa in Lafta-gareen uu galayo xeendaabka Itoobiya ama uu ku jiro, taasi oo mid adag ka dhigeyso in kursiga laga dejiyo, oo markii horeba uu ku imid awooddooda.

WARARKA