Axad 2 June 2024 {HMC} Fadhiga Golaha Wakiillada Somaliland ayaa markii saddexaad kooram la’aan u baaqday maanta, xilli ay Golaha hortaallo miisaanniyad sannadeedkiii 2024-ka oo uu dib ugu celiyey madaxweynaha maamulkaas Muuse Bixi Cabdi.
Warar aan helnay ayaa innoo xaqiijiyey baaqashada fadhiyadaan ay keentay ka gadaal markii uu muran soo kala dhexgalay Golaha iyo Xukuumadda, kaas oo la xiriira odoroska Miisaaniyadda, oo markii dambe sababtay in laga jaro mushaarka ay qaadan jireen Golaha.
Warfidiyeennada ku sugan magaalada Hargeysa ayaa xaqiijiyey baaqashada fadhiga Golaha ay sababeen xeerar dib uu u soo celshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kuwaas oo Golaha ay horay u meelmariyee.
Xeerarka lagu soo celshay Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka mid ah xeerka ansixinta Gobolnimada Gabiley oo ay la socoto dallacsiinta afarta degmo ee kala ah, Baligubadle oo ‘B’ loo dallacsiiyo, Caynaba oo iyaddanna ‘B’ loo dallacsiinayo, Baki oo ‘B’ loo dallacsiiyo, Sheekh iyaddanna ‘B’ loo dallacsiiyo.
Somaliland ayaa lagu wadaa dhammaadka sanadkaan in ay ka dhacdo doorasho Madaxweyne kaas oo ay ku baratamayaan Madaxweynaha talada haya iyo hoggaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Cirro oo xilligaan wada olole doorasho oo xooggan