Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirka Amniga Gudaha oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya

Sabti 01 June 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag} ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin, kaas oo ay yeesheen wadahadal miro dhal leh.

Wasiirka Amniga iyo Frantz Celestin ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen waxa ay diiradda lagu saaray doorka ay IOM ku leeyihiin xasillinta, maareynta socdaalka, iyo dadaallada amniga xuduudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha oo uga mahadceliyey taageeradooda, ayaa sheegay in xoojinta daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka laamaha amniga iyo cadaaladda ay sare u qaadayso kalsoonida shacabka iyo waliba adeeg bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Hay’adda IOM ayaa kamid ah hay’adaha sida weyn u taageera dowladad Soomaaliya, waxav ayna hay’adahan wada shaqeyn dhaw la leedahay qaar kamid ah ahy’adaha dowladad Soomaaliya.

WARARKA