Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

maleeshiyo beeleed Weerar Ku Qaaday ciidanka Koonfur Galbeed Iyo Dagaal Culus oo Wili Ka Socodo Bardaale

Sabti 01 June 2024 {HMC}  Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo maleeshiyaad beeleed ah.

Sida aan wararka u heleyno ciidamo maleeshiyo beeleed degmada Bardaale kasoo jeeda ayaa weerar culus ku qaaday fariisimo ay ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ku leeyihiin Bardaale, waxaana halkaasi ka qarxay dagaal culus.

Dadka deegaanka ayaana ku waramaya in ay maqlayaan rasaasta ay labada dhinac is dhaafsanayaan, walina lama oga ilaa hadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka socda.

Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday fariisimaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa la sheegay in horey degmada looga saaray, waxaana guul dareestay wadahadlo la doonayay in xiisada lagu xaliyo.

WARARKA