Tuesday, September 24, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliye Sanbaloolshe oo weerar afka ku qaaday Maamulka Gobolka Hiiraan.

Jimco 31 May 2024 {HMC} Taliyaha hey’adda NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ka furay shir aayo ka tashi ah oo gogoshiisa uu isagu dhigay.

Taliye Sanbaloolshe ayaa gogoshaas u dhigay jifadiisa hoose ee Cali Madaxweyne ee beesha Xawaadle, isagoo kula taliyey inay aayahooda ka tashadaan oo sameystaan hoggaamiye dhaqameed ay isku raacsan yihiin.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in markii hore beeshaan uu Nabadoon u ahaa Cilmi Hagar Guure oo lagu dilay dagaaladii AS iyo beesha Xawaadle ku dhexmaray gobolka Hiiraan.

Taliyaha NISA ayaa shirka Maxaas ka furmay ka sheegay in jufadiisa Cali Madaxweyne ay talo iyo towfiiq lahaayeen markii ay galeen dagaalkii AS, balse hadda aysan jirin wax talo ah.

Sababta wuxuu ku sheegay in markaas uu noolaa Nabadoon Cilmi Hagar oo beesha ku hogaami jiray dagaalka AS, balse markii uu dhintay ay taladii meesha ka baxday ciduna aysan laheyn wax qorshe ah.

Meelaha uu Sanbaloolshe beeshiisa ku dhaliilay waxaa ka mid ah xaaladda magaalada Beledweyne, wuxuu sheegay in aysan jirin cid masuul ka ah amniga magaaladaas, maadaama aysan deganeyn dad talo ka dhaxeyso.

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha Cali Madaxweyne ee Xawaadle ee shirka Maxaas isugu tegay ka dalbaday inay shirkaan ka soo saaraan go’aan ay ku mideysan yihiin, si wax looga bedelo xaaladda ka jirta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Taliyaha NISA wuxuu beeshiisa ka codsaday inay iska iloobaan wax kasta oo khilaafaad ah oo dhexdooda ka jira, isla markaana ay la yimaadaan talo mideysan oo ay isku maamulaan, beelaha kalena ay kula dhaqmaan.

WARARKA